ceelsheekhnews.com
Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Emarites Stadium Ka Gaadhay Swansea City Oo Iska Caabin Cajiib Ah Kala Hortimid Gunners Iyo Granit Xhaka Oo Kaadhka Cas Oo Toos Ah La Tusay
October 15, 2016 - Written by admin

Arsenal ayaa guul muhiim ah Emarites Stadium kaga gaadhay kooxda Swansea City waxaana kulankan laba gool ka dhaliyay Theo Walcott halka Mesut Ozil uu gool cajiib ah ugu dabaal degay sanad guurada dhalashadiisa 28 aad. Granit Xhaka ayaa kaadhka cas oo toos ah loo taagay waxayna Gunners 20 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyay ku dhamaystay 10 ciyaartoy. Arsenal ayaa guushan ku gaadhay 3:2.

Swansea City ayaa si adag u dagaalantay waxayna laba jeer ku dhawaatay in ay ciyaarta ku soo laabto waxaana labada gool u kala dhaliyay Borja González Tomás

Tababare Arsene Wenger ayaa markale safka weerarkii ku soo bilaabay Alexis Sanchez oo uu doonayo in sidii Henry uu noqodo gooldhaliye isla markaana uu isaga soo guuro garabka weerarka uu muddada dheer ka soo ciyaarayay. Sanchez ayaana muujiyay in uu booskan si fiican uga ciyaari karo.

SHIXIHII LABADA KOOXOOE EE KULANKAN:

Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Cazorla, Xhaka; Walcott, Ozil, Iwobi; Alexis Sanchez

KAYDKA:Ospina, Gibbs, Gabriel, Lucas Perez, Oxlade-Chamberlain, Coquelin, Elneny.

Swansea (4-3-3): Fabianski; Naughton, Fernandez, Amat, Taylor; Cork, Britton, Fer; Barrow, Sigurdsson, Routledge.

KAYDKA:Ki, Van der Hoorn, Borja Baston, Nordfeldt, Rangel, Kingsley, Fulton.

Kulankan ayaa ku bilawday xamaasad iyada oo labada kooxoodba ay dagaal ugu jireen in ay helaan goolka furitaanka waxayna Gunners markiiba bilawday in ay culayska saarto Swansea City. Laakiin Swansea ayaa dhinaceeda weeraro halis ah ku qaadaysay goolka Gunners.

DAQIIQADII 15 AAD BIRTA GOOLKA! Arsenal ayaa ugu dhawaatay in hesho goolkeeda furitaanka kadib markii kubbad uu soo karoosay Mesut Ozil uu si fiican madaxa ugu darebeeyay Mustafi laakiin isku xidhanka labada xidig ee ree Germany ayaa ku dhamaaday kubbada oo ku dhacday birta goolka. Swansea City ayaa ka badbaaday halis wayn.

DAQIIQADII 21 AAD Swansea City ayaa markeeda heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Barrow shaqo fiican uu soo laakiin kubbada uu doonayay in Naughton uu ku dhaliyo goolka furitaanka Swansea City ayay darbadiisu waxyar birta goolka u martay.

DAQIIQADII 26 AAD GOOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaa jabisay ismari waagii waxaana goolka furitaanka Gunners u saxiixay Theo Walcott kaas oo kooxdiisa udhaliyay goolka ay sida wayn ugu baahnayd si ay Swansea City culayska u saarto,wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku qabtay.

 
Ozil ayaa shaqadii ugu horaysay soo qabtay waxaana kubbada madax ku soo celiyay Bellerin kaas oo hawada kaga guulasytay Routledge laakiin Amat ayaa u muuqday in uu kubbada iska saarayo basle Walcott ayaa cag fudaydkiisa uga faa’iidaystay in uu goolkan dhamaystiro.

DAQIIQADII 33 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay kalsoonida buuxda siiyay laakiin markan Theo Walcott ayaa kooxda Swansea City ku ciqaabay qalad wayn oo uu difaaca kooxdeedu sameeyay wuxuuna helay goolkiisa labaad ee uu kooxda Wenger hogaanka ugu dheereeyay isaga oo natiijada ciyaarta ka dhigay 2:0 bilaa jawaab ah oo ay Gunners hogaanka ciyaarta ku hayso.

Kubbad koorne laga soo tuuray ayuu Fernandez isku dayay in uu madaxa iskaga saaro laakiin si liidata ayuu kubbada ku seegay laakiin waxaa ka sii xumayd in uu Walcott helay waqti badan oo uu kubbada ku kaantaroolay si goolkan udhaliyo.

DAQIIQADII 38 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Swansea City ayaan isdhiibin waxayna heshay goolka ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu Granit Xhaka qalad wayn sameeyay waxaana markiisa qaladkan Gunners ku ciqaabay Gylfi Þór Sigurðsson kaas si qurux badan kubbada ugu dhamaystiray shabaqa Petr Cech, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Gunners hogaanka ciyaarta ku hayso balse ay iska lumisay goolkii kalsoonida.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid labada kooxoodba ay si wayn ugu dagaalamayeen saddexda dhibcood ayaa lagu kala nastay 2:1 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku haysay balse goolka ay heshay Swansea ayaa ciyaarta ka dhigay mid furan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Arsenal soo laabtay iyada oo ay ka go’aantahay in ay dhinac iskaga dhigto iska caabinta Swansea City waxayna bilawday in ay raadiso goolkeeda saddexaad si ay dib ugu soo ceshato hogaankii labada gool ahaa.

DAQIIQADII 57 GOOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa! Mesut Özil ayaa sanad guurada dhalashadiisa 28 aad naftiisa hadiyad uga dhigay gool cajiib ah oo uu si qurux badan u dhamaysitray wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu ka helay Sanchez isaga oo markiisa ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Gunners ku soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa.

DAQIIQADII 66 AAD kooxda martida ahayd ee Swansea City ayaa Arsenal tustay in ay wali dhiman oo ay ciyaarta natiijo fiican ka raadin karto waxaana markale goolka labaad kooxda ree Wales u keenay Borja González Tomás kaas oo caawin ka helay Modou Barrow waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay markale Swansea City farqiigii goolasha ku soo yaraysay.

DAQIIQADII 70 AAD KAADHKA CAS! Granit Xhaka ayaa kaadhka cas oo toos ah loo taagay kadib markii uu qalad ku galay Barrow oo dhibaato badan Arsenal ku abuurayay laakiin Arsenal ayaa ka cadhootay in kaadhka oo toos ah loo tagay Xhaka , waxayna Gunners 20 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

DAQIIQADII 79 AAD Swansea City ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolka barbaraha kadib markii ay shaqo cajiib ah qabteen Naughton iyo Barrow laakiin waxa ay awoodi waayeen in ay kubbada ku dhamaystiraan shabaqa Gunners.

Swansea City ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta dagaal ugu jirtay inay hesho goolkeeda saddexaad ee barbaraha si ay hal dhibic uga hesho kulankan balse Gunners ayaa si adag natiijada ciyaarta u ilaashanaysay Waxayna ugu danbayn Gunners awooday in ay ciyaarta ku dhamayso 3:2 waxayna sidaa ku heshay saddex dhibcood oo muhiim ah inkasta oo ay Swansea City dadaal badan muujisay,

COMMENTS
Latest News