ceelsheekhnews.com
Xulka Gobolka Awdal Oo Ku Guulastay Koobkii Ciyaaraha Gobolada Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Gudoonsiiyay.+SAWIRRO
November 12, 2016 - Written by admin

Xulka kubada Cagta ee Gobolka Awdal ayaa ku guulaystay koobkii Ciyaaraha Gobolada Somaliland, oo mudooyinkii u danbeeyay ka socday garoonka Hargaysa.

Madaxweynaha Somaliland, mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa guddoonsiiyey biladii ama koobkii goboladda Sanadkan, xulka gobolka Awdal oo ciyaartii Finalka 2-1 ku muquuniyey xulkii ay isugu soo hadheen ee gobolka Saaxil.

Tartanka oo ay ku hirdamayeen 8 xul gobol, ayay aakhirkii isugu soo hadheen xulalka gobolka xeebta Berbera iyo gobolka dhul beereedka caanka ku ah ee Awdal, natiijadiina waxay noqotay mid farxad iyo rayn rayn ay garoonka kala huleelaan gobolka Galbeedka Somaliland dhaca.

COMMENTS
Latest News