ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Golaha Wakiilada Oo Sheegay Inay Banaynayaan Kuraasta Golaha Wakiilada
October 18, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Sheegay Iney Diyaar U Yihiin Iney Banneeyaan Kuraasta Ay 13-ka Sano Fadhiyeen, wax ka qabyo ahna aanu jirin

 

Kulan Guddiga Arrimaha gudaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilladu soo diyaariyey oo Lagu Gorfeeyey Caqabadaha Haweenka Ka Hor Taagan Doorashada iyo qoddobo kale oo dastuuri ah

Hargeysa(Ceelsheekh-News):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in mudanayaasha 13-ka sano fadhiyey Golahaasi ay Kuraasta banneeyaan wakhtiga loogu talogalay, isla markaana ay doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanku ku qabsoomaan xilliga loo qorsheeyey ee dhammaadka March 2019-ka, door muuqdana laga siiyo Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka la hayb-sooco oo Kooto loo xidhayo.

“golaha wakiilladu waxay diyaar u yihiin kuraasta inay banneeyaan wakhtigii loogu talogalay, doorashaduna iney ku dhacdo wakhtigii loogu talogalay.” Ayuu yidhi guddoomiye Baashe, waxaanu intaasi raaciyey, “Annaga waxa qudha ee naggu xidhani waxa uu yahay waa xeer, wax kale oo naggu xidhani ma jiraan. Saamiqaybsiga, kuraas waxaas oo dhami xisbiyada qaranka ayay u taallaa, laakiin annagu xeerkeennii waa dhammaystiranay.” Ayuu yidhi

“in laga wadahadlo oo la gorfeeyo sidii haweenku ugu sahlanaan lahayd ee uga qaybqaadan lahayeen doorashooyinka, markaas wuxuu soconayaa kulankani maanta iyo burrito ra’yiga meesha kasoo baxana waa ururinaynaa.” Sidaasi ayuu guddoomiye Baashe ka sheegay kulan lagu gorfaynayo caqabadaha doorashada ka hortaagan Haweenka, is-waafajinta Xeerka Kootada iyo Qodobbo Dastuurka ka mid ah oo lid ku ah Kootada oo la xidhiidha tartanka Wakiillada ee Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka la haybsooco iyo sidoo kale doorkooda Golayaasha deegaanka ay kaga soo bixi karaan, kaas oo ay Guddiga Arrimaha gudaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilladu soo diyaariyeen, laguna qabtay Arbacadii shalay Xarunta Golahaas.

COMMENTS
Latest News