ceelsheekhnews.com
Madaxweyne Biixi Oo Dhaliilay Hogaanka Labada Xisbi Mucaarid
October 21, 2018 - Written by admin

Waxa Uu Uga Digay Durbaannada Shirar-beeleeddada Ee Ay Garaacayaan

Hargeysa-(Ceelsheekh-News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  bulshada si waafi ah ula wadaagay xaaladda guud ee dalka, horumarka la gaadhay, isaga oo sidoo kalena deedafeeyey eedaymo aan sal lahayn oo hoggaanka axsaabta mucaaridku ku wiiqayaan midminada iyo wada-jirka shacabka, isla-markaana ku dabrayaan geeddi-socodka Dimuqraaddiyadeed ee dalka.

DAAWO:

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtoyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu hadalkiisa diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka, deeqaha waxbarasho ee dawladda Itoobiya siisay ardayda reer Somaliland oo ay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridku siyaasadeeyeen iyo shir-beeleedyo qarannimada ka dhan ah oo guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID ay ku dhawaaqeen qabashadooda.

COMMENTS
Latest News