ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Oo U jawaabay Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi
October 22, 2018 - Written by admin

“Dib-u-dhaca Doorashada Annaga Xil Nagama Saarna Ee Madaxaweynaha Ayaa Eeda Qaadaya, haddii uu waqtigeeda ku qaban waayana……”

Hargeysa (Ceelsheekh-News)– Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay si qaawan u weeraray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ku hanjabay inuu xilka ka xayuubin doono.

Guddoomiye Faysal oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa shalay, waxa uu ku tilmaamay Madaxweyne Biixi dagaal-ooge caalamka laga yaqaan. “Uma ogolaanayno inuu Muuse dalkayaga burburiyo, waannu ka hortagaynaa.” Ayuu yidhi guddoomiyaha Ucid oo si cadho leh uga jawaabay eedeymo madaxweynaha Somaliland ku xidhiidhiyey hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarid, inay abaabulayaan shir-beeleedyo dhan ka ah dimuqraadiyadda iyo qaranimada jamhuuriyadda Somaliland iyo mas’uuliyadda dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka mas’uuliyadeeda iskaga riixay dhinaca madaxweynaha oo uu sheegay in isaga lagala xisaabtamayo “annaga xil nama saarna ee isaga [madaxaweyna] eeda qaadaya.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ku dooday in aan wax xil ahi ka saarnayn hawlaha doorashooyinka “haddii uu waqtigeeda ku qaban waayo doorashooyinka, baarlamaankaasina fadhin maayo, isagana [Madaxweynaha] hoggaankiisa waannu ka tashanaynaa.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa

COMMENTS
Latest News