ceelsheekhnews.com
Wakhtiga Uu Furmaayo Shirka Beelaha Garxajis Iyo Habar-Jeclo Oo La Shaaciyey
May 21, 2019 - Written by admin

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu shaaciyey in beesha Habar Jeclo ay gogol u fidisay beesha Garxaajis oo dhawaan ay shir gaar ah yeelan doonan .

Shirkan u furmaya beelaha Garxaajis iyo Habar-Jeclo ayaa waxaa uu ka dhici doonaa Bacda Ramadaan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer

Boqorka ayaa sababta uu shirkani u yimid ku sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono siyaasadii beesha Habar Jeclo

“ Waxaanu dooneynaa ka beel ahaan in aanu dib u habeyn ku sameyno siyaasadii Beesha Habar Jeclo , isla markaana aanu xalano cid kasta oo ay siyaasadu na kala fogeysay , markaas shirkaasi wuu jiraa oo beelaha Garxajis gogol ayaanu u dhignay waxaana Bacda ramadaan uu shirkaasi ka dhici doonaa magaalada Burco..” ayuu yidhi Boqor Buurmadow

COMMENTS
Latest News