ceelsheekhnews.com
Geedigii Laguma Furin Rug Rays Leh Iyo Doog. Socdaalkii Wasiirada Soomaliland Ee Sweden.
June 25, 2019 - Written by admin

Geedigii Laguma Furin Rug Rays Leh Iyo Doog. Socdaalkii Wasiirada Soomaliland Ee Sweden.

Ma Sahankaa Go’doomay. Ma Samkaa Gohaadshay. Mise Horjoogayaasha Galbaday, Waa Nuxur Maqaal Tusmadiisu Tahay Haku Ciyaarin Shucuurta Dalkaaga, Waa Suurto Gal Inaad Ku Guulaysatid (Ka Gaadhid Dantii Aad Ka Lahayd, Balse Hadimada Ka Dhalan Kartaa Aad Ku Waydo.Warkaagu Dimuqraadiyadii Aad Sanado Badan Soo Dhisaysay.

Hilaadii Markay Ahayd Wareegtadu 12 Kii June Waxa Dalka Swedan Soo Gaadhay Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socday Somaliland Oo Kala Ahaa Ama Gadhwadeen Ka Ahaayeen Wasiirka Deegaanka Iyo Wasiirka Macdanta Oo Hadafkooduna Ahaa Inay La Kulmaan Xubno U Cuntama Oo Dhiigooda Ah, Ileyn Gadhba Gadhbaa La Tusaaye.

Shacabka Somaliland Ee Dalkan Ku Nooli Han-Qalka La Sare Kaceen Iyagoo Naawilaayay Hab Maamuuska Uu Kulankaa Qiimaha Lihi U Qabsoomi Doono,Waayo Markaad Eegto Heerka Iyo Culayska U Lahaa Wafdiga Somaliland Ee Meesha Marayay Waxa La Rajaynayay Ee Inshaaradu Ahayd Xaddiga Cida Ay Kala Kulmayaan Swedan.

Laakiin Meel Ay Sartu Ka Qudhantayba Waxa Shax Guuray Habkii Iyo Hanaankii La Naawilaayay Inay Wax U Dhacaan “Dhado Roob Noqonweyday”Waxaan Ugu Jeedaa Labadii Wasiir Ee Soomaliland May Helin Marinkii Iyo Mustawihii Looga Baahnaa Oo Lama Ay Kulmin Dhigooda,Balse Safarkoodu Waxa U Cagta Saaray Dhabo Ku Aroorta Cidla Iyo Meel Xagal Daacinaysa Misaanka Socdaalkoodi Loo Hanweynaa Kana Dhigaysa Hal Bacaad Lagu Lisay,Waa Markii Ay La Kulmeen Xisbiyo Cunsuri Ah Oo Ka Dhisan Dalka Balse Aan Ku Wacneyn Xogta Iyo Xaajada Iyo Arrimaha Somaliland.

Labada Xisbi Oo Ku Jira Ama Ka Mid Ah 8da Xisbi Ee Dalka Ka Jira, Ayaa Waxay Yihiin Sida Xisbiga Sd Iyo Ka Ah Xisbiga Christian Democracy Oo Loo Soo Erayo Gaabsado Kd. Xisbiyaadaa Ay Xubnahooda La Kulmeen Waxay Dhabarka U Riteen Ama Ku Suntanyihiin Nacaybka Dadka Soogaleetiga Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin Bulshada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Swedan Ku Darsoo Cunsurimimada Waxa U Dheer Inay Somalida U Aqoonsanyihiin Dad Aan La Xuquuq Ahayn Dadka Kale.

Isku Soo Wada Duuboo Waxa Maankayga Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Oo Lawada Liqi Laayahay Sababta Wasiiro Dalkaaga Matala Aad U Hor Fadhiisiisay Dad Aan Qiimo Iyo Qaayo Ku Hayn Oo Nacaybka Darajadii Ugu Xumeyd Kugula Dhaqmaayaa. Midba Mid Ka Darane Shaqsiyaadka Lala Kulmiye Wafdiga Somaliland Waxa Ka Mid Ah .

W/Qalinkii Ifraax Cali Kirix

COMMENTS
Latest News