ceelsheekhnews.com
Madaxwenaha Deeganka Mudane Mustafe Maxamed Cumar Oo Kulan La Qaatay Guddiga Xidhiidh Ee Isku-Dhafka ah Ee XDS iyo Ururka ONLF Oo Ka Dhacay Xarunta Madaxtooyada DDS.
July 28, 2019 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News):- Waxa Hoolka Shirarka Ee xafiiska madaxwaynaha DDS, kulan ay yeesheen gudiga xidhiidh ee isku-dhafka ah ee Xisbiga dimuqoraadiga soomalida iyo ururka ONLF

kulankaasi hogaaminayay madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar 
ayaa waxaa lagaga hadlayay wada shaqaynta xukuumada DDS iyo ururka ONLF. Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:-

1. kor u qaadida xidhiidhka labada dhinac iyo joogtaynta wada shaqaynta si loo xaqiijiyo nabadgalyada iyo xasiloonida deegaanka. 
2. Hirgalinta aragti umadeed oo laga midaysan yahay oo ay saldhig u yihiin midnimada, cadaalada iyo dawlad shacabku ku kalsoon yahay oo leh maamul karti u leh in uu horumariyo umada, ilaalinta danaha umada soomalida, xaqiijinta xuquuqaha ka qayb-qaadashada matalaada arimaha bulshada deegaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha dalka itoobiya.

3. Aas-aasida xarun ka shaqaysa nabada iyo xasiloonida islamarkaana soo ururiya xogta ku saabsan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay colaadii ka jirtay deegaanka si loo baxnaaniyo. 
4. Abuuritaanka guddi madax banaan oo madaxda dawlada deegaanka soomalida iyo hogaaminta ururka ONLF Kala Talisa hirgalinta aragti midaysan.

Gabagabadii kulankan ayaa lays la qaatay jihooyin midaysan iyo in uu Gudigan samayn doono gudi hoosaad khuburo ah oo daraasaad ku samayn doona sidii loo gaadhilahaa qodobadan ka dibna tala bixin ka soo gudbiya.

Source:- SRTV.

COMMENTS
Latest News