ceelsheekhnews.com
Axmed Madoobe Oo Safar Ku Tagaya Kenya
November 24, 2019 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-news):- Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta gaadhay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ah safarkiisa u horeeyay ee uu uga ambabaxo magaalada Kismaayo, kaddib doorashadii bishii Agoosto ee Dooda dhalisay.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Nairobi ayaa la xidhiidha arrimo siyaasadeed iyo khilaafka ka jira Jubbaland, gaar ahaan arrinta ka taagan Gedo, Waxaana la sheegay inay diyaarad gaar ah kasoo qaaday Magaalo Xeebeedka Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Nairobi siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolkaas, sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka dowladda Federaalka oo markaan culeys saartay dhanka Gedo, kaddib markii maamulada saddex degmo oo kala ah Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay dowladdu ka sameysay dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri

COMMENTS
Latest News