ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Oo Tababar U Furay Agaasime Waxeed Yada Hayadaha Dawlada
November 25, 2019 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News): Guddomiyaha Haya’dda shaqalaha Dawlada mudane farxan Aadan Haybe Ayaa Maanta Tababar U Furay Qaar Kamida Agaasimayasha Hayadaha Dawlada Giddomiyaha Oo tabarka Faafahin Ka Bixinaya Wuxu yidhi Waxaan maanta u furay tababar afar cisho ah dhamaan Agaasime waaxeedyada iyo xisaabiyayaasha Hayadaha Dawlada dhamaan dhamaantood kaas oo ay hormuud ka ahayd soona agaasintay Wasaarada horumarinta maaliyada iyadoo talo wadaag kala lahayd Hayada shaqaalaha Dawlada iyo xafiiska hanti dhawrka guud. Tababarkan oo ujeedada looga gol leeyahay tahay sidii aqoonta masuuliyiinta Maamulka maaliyada iyo xisaabaadka ee Wasaaradaha iyo dhamaan hayada kale ee Dawlada kor loogu qaadi lahaa si loo xoojiyo nidaamka Maamulka maaliyada iyo isticmaalka habraacyada loo diyaariyay si loo sugo habka diyaarinta miisaaniyada, nidaamka kharash bixinta iyo habka xisaab celinta iyadoo la raacayo Habraacyada maamulka maaliyada iyo nidaamka casriga ah wasaarada horumarinta maaliyada.
Hayada shaqaalaha Dawlada ayaa iyadu bixisay casharo la xidhiidha faraqa u dhaxeeya waaxda Maamulka iyo maaliyada iyo waaxda cudduda shaqaalaha iyo sida ugu fiican ee ay u wada shaqeeyaan. Waxaan halkan uga mahad celinayaa wasaarada horumarinta maaliyada,xafiiska hantidhawrka guud iyo Hayada shaqaalaha oo wadashaqayn xoogan iyo talo wadaag joogto ah ka leh hababka dibu habaynta maaliyada iyo nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.

COMMENTS
Latest News