ceelsheekhnews.com
Komishanka Cusub Ee Somaliland Oo La Dhaariyay
November 25, 2019 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News):- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

COMMENTS
Latest News