ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Oo Ka Qayb Galay Shirka Wada Tashiga Agasimayasha Guud Ee Wasaradaha Dalka Ee Siyasadda Qaran Ee Dabagalka iyo Qiimaynta
November 26, 2019 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News): Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Mudane Farxan Aadan Haybe Ayaa Maanta Kulan Wada Tashi Ah La Yeeshay Agasimayasha Guud Ee Wasaradaha Dalka iyo hayadaha Dawlada Guddomiyaha Oo Kulan Kaas Ka Warbixiyay Wuxu Yidhi Waxaanu maanta kulan wadatashi la xidhiidha dibu eegista Siyaasada qaran ee Dabagalka, Qiimaynta, isla xisaabtanka iyo xog helista ( National Monitoring evaluation accountability and learning policy) la yeelanay dhamaan Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada. Siyaasadan oo ay wasaarada qorshayntu masuul ka tahay iyadoo hayada shaqaalaha Dawlada oo adeegsanaysa mashruuca dibu habaynta shaqaaluha ee Bangiga Aduunka ay ka taageertay wasaarada qorshaynta Dejinta siyaasadahan. Dhinaca kalena maadaama shaqaaluhu yahay awooda socodsiinta hawlaha wasaaradaha Waxa muhiim loo arkay in fulinta siyaasadani aanay ka maarmayn tayaynta waaxyaha qorshaynta iyo Qiimaynta ee Hayadaha Dawlada taas oo Hayada shaqaaluhu waxii tababaro ah u diyaarin doonto si loo helo shaqaale fuliya hawlaha qiimaynta, Dabagalka iyo xog helista guud. Waxaan u mahad celinayaa wasiirka, wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta iyo Agaasimayaasha Guud ee ka soo qayb galay kulankan oo ahmiyad wayn u leh qaranka iyo horumarinta hawlaha iyo adeega Guud ee Hayadaha Dawlada.

COMMENTS
Latest News