ceelsheekhnews.com
Madasha Xisbiyada Ee Uu Sh.Shariif Hogaamiyo oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday
November 29, 2019 - Written by Guleid Essa

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa warqad u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyagoo uga ashtakoonaya faragelinta Ciidamada Itoobiya ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Warqada ka soo baxday Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qornaa afka English-ka ayaa sidoo kale lagu ogeysiiyay Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Turkiga.

Madasha ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu wax ka qabto tallaabooyinka guracan ee Ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha Soomaaliya, iyagoo xusay in arrimahaas ay saameyn karto biladdii uu dhowaan ku guuleystay ee Nobel Peace Prize.

Madasha Xisbiyada ayaa sidoo kale ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay afduubteen doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii December 2018, Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inay Faragelin ku hayaan Arimaha Jubbaland.

Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Ciidamo ka tirsan Itoobiya ay soo gaadheen magaalada Dhuusamareeb, oo la filayo inay dhowaan ka Qabsoonto Doorashada Galmudug.

“Xilliga aan qoreyno warqaddan waxaa ciidamo aad u qalabeysan oo ah Itoobiyaan aan ka mid ahayn Amisom la geeyey magaalada Dhuusomareeb, si loo faro-geliyo doorashada soo socota loona xaqiijiyo guusha musharax horey loo go’aamiyey,” ayaa lagu yidhi qoraalka Madasha Xisbiyada.

COMMENTS
Latest News