ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Abaal Marinayay Shaqalaha Wasarada xidhiidhka Golayasha iyo Arimaha Dastuurka
January 6, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News): Guddomiyaha Haya’dda shaqalaha Dawlada mudane Farxan Aadan haybe Ayaa maanta Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Abaal Marinayay Shaqalihii ugu wanagsana sanadkii tagay Ee 2019 Oo Ay soo Qaban qaabisay Wasarada xidhiidhka Golayasha iyo Arimaha Dastuurka Guddomiyaha Hayadda Shaqalaha Ayaa Halkaas kasoo jeediyay Hadal kooban oo uu Ku dhiirigalinayo Shaqalaha Dawlada Gaar Ahaan Wasarada xidhiidhka Golayasha Iyo Arimaha Dastuurka Guddomiyuhu wuxu sidoo kale sheegay Ahmiyada Qaranka u Ledahay wasaradani waxanu mar kale bogaadiyay Wasiirka Wasarada xidhiidhka Golayasha iyo Arimaha Dastuurka isaga oo ku amaanay inuu xil weyn iska saaray sidii da’yartu u baran lahayd Dastuurka Qaranka jamuuriyada Somaliland

Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Ayaa mudooyinkii ugu dambeyay Ku jiray Dedaal lagu dhiri Galinayo Shaqalaha Dawalada

COMMENTS
Latest News