ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Dhaariyay Guddida Kala Saari Doonta Kalmo Shaqo Imtixaan Oo Haya’dda Shaqaluhu Hore U Baahisay
January 7, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News):

Waxaan maanta si rasmi ah allah magaciisa ugu dhaarinay oo la dardaaranay Guddida panelka kala saarista xubnaha u tartamaya kaalmaha TMPs ka. Xubnaha Guddida oo ka kooban wasaaradaha shaqada loo qorayo, bangiga aduunka, Guddida hayada Shaqaalaha, Machadka Shaqaalaha iyo Khabiir madaxbanaan oo ( independent international consultant) kuwaas oo u magacawnay in ay dhabarka u ritaan xulista iyo imtixaan ka qaadista xubnaha 1500 tartame oo u tartamaya 26 kaalin shaqo oo Hayada Shaqaaluhu hore u soo xayaysiisay kuwaas oo loo qaadayo wasaaradaha iyo hayada Dawlada ee kala ah; wasaaradaha Tamarta, shaqo gelinta, gaashaandhiga, Cadaalada, qorshaynta iyo hayada Shaqaalaha iyo machadkeeda. Waxaanu dhaar ka dib kula dardaaranay in ay si allah ka cabsi leh cadaalad ugu gar sooraan dhalinyarada aqoonyahanka muwaadiniinta soo dalbaday kaalmaha shaqo ee TMPs ah.
Waxaan allah ka baryaynaa in ay ka soo bixi doonaan xilkaa ay ilaahay magaciisa ugu dhaarteen.

.

COMMENTS
Latest News