ceelsheekhnews.com
Wasiirka waxbarashada DDS oo sheegay inay wadaan 72 mashruuc oo ay kuxayso 1.3 bilyan oo birr
January 7, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News): Wasiir ka xafiiska Waxbarashada ee DDS mudane Maxamed faatax maxamed ayaa sheegay in ay sanad miisaaniyadeedkii 2011 iyo 2012 kan aan kuguda jirno ay kafulinayaan deegaanka 72 mashruuc oo ay kamidyihiin 10 dugsiyada hooyga ah ama boarding school, ayna guud ahaan 72 mashruuc kubaxayso aduun lacageed oo gaadhaya 1.3 bilyan birr.
38 mashruuc oo ahaa dugsiyo sare oo cusub islamarkaana ladhisayay sanad miisaaniyadeedkii 2011kii ayaa 13 kamid ladhamaystiray adeegiina bilaabay, halka 25ka dhimana ay marayaan 80 ilaa 85% dhamaantoodna ay ku socdaan qorshihii loogu tala galay.

Xigasho SRTV

COMMENTS
Latest News