ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Ka Qeyb Galay Nidam cusub Oo Shaqalaha Dawladu mushaharka Ku qadan donaan
January 13, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News): Guddomiyaha Haya’dda shaqalaha Dawlada mudane Farxan Aadan Haybe Ayaa Maanta Ka Qeyb Galay nidam Cusub Oo Shaqalaha Dawladu mushaharka Ku qadan donaan Guddomiyaha Oo arimahaas ka Hadlaya wuxu Yidhi

Waxaa Allah mahadii ah in maanta aanu daah furay barnaamijka E-Shilling oo ay iska kaashadeen Baanka JSL, Hayada Shaqaalaha iyo Wasaarada Horumarinta Maaliyada farsamo ahaana ay gacan ka gaysatay shirkada Sahal tech iyadoo ay garbaha lagu dhaqaajinayaa yihiin shirkadaha Telesom iyo Somtel. Waxa barnaamijkani lagu bixinayaa mushaharka Shaqaalaha dawlada iyadoo toos qof kastaa ugu helayo mobilekiisa mushaharka bil kasta oo aan meel kale loo soo marin. E-Shilling waxuu xoojinayaa habka maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka, waxuu meesha ka saarayaa Shaqaalaha caaglaha ( ghost workers), waxuu yaraynayaa lumistii mushaharka Shaqaalaha ee la gacan bidixaynayay, waxuu siinayaa Shaqaalaha dawladu inay toos baananka dalka ( Banka SL, Premier Bank,Salaama Bank iyo Dahabshiil Bank) midka ay doonaan lacag ka amaahan karaan oo loo maalgeliyo hadba wax u dhigma mushaharka ay qaataan oo hafto looga jari karo bil kasta. Waxaan rajaynaynaa in waxyaalo badan oo faaiido u leh shaqaalaha dawlada aynu si daba joog ah inoogu suurta galaan idamka alle.

COMMENTS
Latest News