ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Video Call confress Kaga Qeyb Galay Shir Ay Qabanayeen Madaxda Baanka aduunku
January 13, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-news ) Guddomiyaha Hayadda Shaqalaha Dawlada Mudane Farxan Aadan Haybe Ayaa Maanta xafiiskiisa kaga Qeyb Galay shir Ama vieo confress call Guddomiyaha Oo arimahaas Ka hadlayana wuxu yidhi

Waxaanu habka kulanka fogaal araga ( video conference) Ku shiray madaxda Bangiga Aduunka ee Washington, USA iyo Nayrobi, Kenya. Kulankan oo qaatay hal saac iyo 20 daqiiqo kana dhacay xarunta Hayada Shaqaalaha waxa igu weheliyey wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada, Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta iyo Madaxda mashruuca dibu habaynta Shaqaalaha dawlada PCU ee hargeysa iyo Agaasime waaxeedka waaxda daryeelka bulshada ee wasaarada shaqo gelinta. Ujeedadada shir haweedkan habka fogaal araga ( video conference) waxaanu kaga wada hadalay habka loo anba-qaadayo barnaamijka hawlgabka Shaqaalaha iyo ciidamada kaas oo meel fiican aanu isla dhignay iyadoo shirkani ahaa kii 4 aad. Waxa safaro shaqo nooga maqnaa oo ay ahayd in ay nagala qayb qaataan wasiirka wasaarada Gaashaandhiga iyo wasiirada wasaarada shaqo gelinta. Ugu danbayn Waxa ka go’an xukuumada JSL inay hirgeliso nidaamka hawlgabka oo bixisa dhaqaalaha daryeelka Shaqaalaha hawgabka gaadhay si noloshooda inta ka hadhay loo ilaaliyo maadaama ay abaal badan oo naf hurnimo iyo tacab geliyeen horumarka qaranka. Allah ha inoo hergeliyo dadaalkaas oo tirada ka baxda Shaqaalaha iyo ciidamada ee hawgab noqotaa ay fursad shaqo abuur siinayso dhalinyaradeena aqoonyahanka ah iyo kuwa xirfadlayaasha ahba. Ugu danbayn, waxaan amaanayaa teamka hawsha wada oo hayada iyo wasaarada kor Ku xusan ka kooban iyo teamka Bangiga Aduunka.

COMMENTS
Latest News