ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Hayadda Shaqalaha Dawlada Oo Soo GaboGabeyay Qorshe Hawleedka 2020 Haya’dda Shaqalaha Dawlada
January 15, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Waxaanu maanta soo gebagebaynay samaynta qorshe hawleedka sanadkan 2020 ee Hayada Shaqaalaha Dawlada oo dhamaan masuuliyiinta waaxyaha kala duwan, la taliyayaasha iyo madaxda mashruuca dibu habaynta Shaqaalaha ay ka wada qayb qaateen kaas oo diirada saaraya tayaynta shaqaalaha, kor u qaadista shaqada iyo adeega bulshada iyo taabagelinta si loo gaadhi lahaa dibu habayn dhamaystiran oo lagu sameeyo adeeg bixinta wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada iyadoo diirada la saaarayo kobcinta aqoonta iyo kor u qaadista adeeg bixiyayaasha oo ah Shaqaalaha Dawlada. Waxaan mahad balaadhan u celinayaa dhamaan shaqaale waynaha Hayada Shaqaalaha Dawlada oo aan leeyahay waad gudateen waajibkiinii qorshayneed Waxa inoogu xigaa waa fulinta iyo ka midho dhalinta qorshahaas aynu dhiganay sanadkan 2020.

COMMENTS
Latest News