ceelsheekhnews.com
Taariikhda Sooyaalka: Isutagii, Go’itaankii iyo Biyo-shubka Soomaliland: (Faysal Cabdi Rooble)
February 23, 2020 - Written by Guleid Essa

Qaybtii 2aad

Ifafaalihii Xornimada iyo Xaqdaradii Gumeystaha

Intaanu guumaystuha Yurub iman geeska Afrika qarnigii 19aad, sida xiqiiq ah marka loo hadlayo ereyga “Somaliland” waa tilmaamaha dhulka Soomaalidu dagto oo dhan. Hase ahaatee gumaysigii Ingriisaka ayaa qaybta Waqooyi Galbeed u baxshay “Somaliland.” Ilaa 1960, xiligii xornimada ka hore magacaasi rasmi ayuu ahaa. Hadeerna waxaad moodaa in uu si rasmi aha u soo noqday. Qaybaha soo socda ayaan kaga hadlidoonaa siyaasada ku wajahan soo celinta magaas iyo nidaamka adunka qawaaniinta u taal we ku aadan kala go’a dal mid ah.

Kala go’ ay Soomaaliland ku dhawaaqday shirkii Burco ee 199, dabadeed magaca “Somaliland” wuu soo rogaal celiyey. Deegaanka Somaliland waxa uu ka koobanyahay 137,600 sq. km iyo liid-xeebeed dhan 850 km, jaarna la’ah Djibouuti, (oo la odhan jiray French Somaliland), Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya lasiiyey 1954, iyo Koonfurta Soomaaliya. Qa’baailka Soomaaliyeed ee daga waxa ugu tunweyn Issaq, Dhulbahante, Gadabuursi, W/geli, Ciise. Waxa kale oo dagan Geri, Faqishini, Gaboye iyo kuwa kale. Tirada dadka waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3-4 million (tiro sugan lama hayo).

Boqoradii Ingriiska ee Fiktooriya (Queen Victoria) ayaa heshiisyo kala madex banana lakala saxeexatay qaba’ilada ugu tunka weyn xiligii dhulka ay qabsanayeen rer-Yurub.

Duqaydii beesha Dhulbahantese iyaku wey diideen in ay heshiis la’saxeedaan gumeysiga Ingriiska.

Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliland waxay ka mid noqotay carigii balaadhnaa ee “qoroxi-kamadhadada” ahaa ee Ingiriisku gumaysta ill 1960dii. (The Sun never sets in the British Empire).

Lord Lugard policy ama shaxdii Lord Lugard ayaa Soomaaliya si gaar ah loogu xukumi jirey. Waxa kale oo shaxdaasi lagu dhaqi jirey dalalka Ingriisku guumaysan jiray ee Afrikada Galbeen sida Musliminita Nayjeeriya, Ghana iwl (Richard L Sklar, African Politics in Post-Imperial Times). Shaxdaasi waxay ahay int aanu gumeysigu aad u dhexgalin dadka uu xukume ee uu adeegaadu cuqaasha l, Garaadada iyi salaadiinta.

Mar hadii la gaadhay 1940hii, sidaan qaybtii 1aad ku xusnay, waxa bilaabmay dhaqdhaqii gobonimadoonka Soomaaliyeed. Dhinaca Ingriisku guumaysanayey waxa ka soo ifbaxay sadex xisbi oo kala ahaa Somali Youth League, (SYL), Somali National League (SNL), iyo National United Front (NUF).

Sadex arimood oo horumar lagu tilmaami kar ayaa laga dhaxlay xiliyadan 1940hii -1950hii: (1) waxa kobcay wacyiga siyaasiga ah ee Soomaalinimada; (2) beelihii Soomaaliyeed oo siyaasad ahaan isdhexgalay; iyo (3) haykelkii dawladnimo sida xisbiyada siyaasiga ahaa oo ambaqaad noqday. Intaa waxa dheeraa in Ingriisku, maadaama uu ogaa in xornimo soo dhowdahay, in uu magacii Somaliland companies, waa askartii deegaanka, oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan xadka u dhexeeya British iyo French Somaliland, magaca cusub ee Somaliland Scouts loo bixiyey August 1943.

Xiligii xornimadii June 1960, waxa tiradaasi gaadhay 1,000 askari uu Brigadier O. G, Brooks ku wareejiyey Prime Ministerkii Soomaaliaya ee Cabdirashid Cali Sharmarke July1, 1960; 1000 askari ee Soomaaliland waxa lagu badhxay bilaysikii Italian Somaliland. Isugeynta labada bilays waxay noqdeen unugii Xooga Dalka Soomaaliyeed AUN Maxamed Abshir, oo wax ku bartay Jaamaca caanka ah ee Princeton University ayaa ahaa madax bilayska Soomaaliya (waa shaqsi wafdi UN ka socday ay dhaheen waa “waxgarad,” ama “intelligent.”

Isla xiligaas waxa noqday taliyihii ugu horeeyey ee Xooga Dalka Soomaaliyeed. AUN Janaraal Daud. Janaraalku da’yari (45 sano) ayuu ku geeriyooday dalka Ruushka 1965 (Harold Nelson, Somalia: A country study, 1985).

Inta aynaan u galin isku darkii labada waaxood ee Ingriiska iyo Talyaanigu kala haysteen iyo sidii ay isku raaceen, waxaan jeclahay taariikh yar oo muhiimad iyo raad Soomaali ku yeelatay aan tibaaxo.

Dhamaadkii WWII, dalakii jabiyay Jarmalka waxay abaal gaar ah u qaadeen Itoobiya. Waxay si gaar ah isaga indho tireen Soomaalidaa dhinaca Ingriiska iyo Fransiskaba ka dagaal gashay.

Abaalka Itoobiya loogalay waxa ka mid ahaa in dhalinta iyo qoysaska ka soo jeeday rer-boqor wax lagu baro meelo ka mid ahaa wadanadii Ingriisku guumaysan jiray. Waxayna meelahaas daganaayeen ilaa intii dagaalku socday oo dhan. Waxa qaoysas badan oo rer-Xayle Selaase ah si ku meelgaadh ah loo dajiyey Somaliland. Dadkaasi waxa ka mid ahaa Mr. Katama Yifru oo jagooyin badan xataa Wasiirkii Arimaha Dibada Itoobiya, ka qabatay, iyo Dr. Professor Assarat oo ahaa ninkii aasaasay Xisbiga xabashida ee xagjirka ah ee hadeer Itoobiya ka halgamaya. Kuwo kalena waxa la kala dajiyey Yugand, Kenya, Zambiya, iyo Boqorka oo la geeyey Cariga Ingriiska. Gurigii xiligaas Boqorku magana maanta waa guri la daewoo (historical monument).

Sababtaas weeye sababta ay Itoobiyaanka siyaasiyiintuudu xidhiidha fiican la leeyihiin waxgarad badan oo Afrikaan ah.

Itoobiya waxay ka qayb gashay shirarkii heshiisyada caalamigaa ahaa ee lagu soo afjarayey iyo mag kala qaadashadii ama abaal marintii ka qaybgalayaasha allied forces. Waxay Itoobiya ka mid noqotay ahaydna dalka kaliya ee Afrikan ah ee League of Nations lagu daro.

Shirkii Baariis (The Paris Peace Conference) waxa la horkeenay hindisaha ah in Itoobiya loo helo jid ay bada ku gaadho. Markii hore waxa la kala dooran siiyey Casab iyo Zaylac (John Spencer ayaa ka sheekaynayaa arintaa. John waxa uu ahaa la taliyihii Xayle Selaasie oo qorey buuga layidhaa “Ethiopia at Bay, 1972).

Hindisaha uu watay ninkii Biven la odhanaey oo ahaa in Soomaali meel la’isgu duwo “Soomali weyna” ama “Greater Somalia” layagleelo waxa gaashaanka ku dhufatay Itoobiya oo xiligaa aad uga tunweynayd Soomaali.

Waxa Boqaradii ingriisku ogolaatay in Zaylac lasiiyo Itoobiyna hadii at ogolaato qaybo ka mid ah Haud and Reserved Area iyo Ogaden region Ingriiisku sii hayo. (daalaco reborka ah C.F. (46) 6th August 1946). Itoobiya dhinaceda waxay rabtay in Casab iyo Zaylacba ay qaadato, laakin dhul yar oo Haud iyo Ogaden oo kaliya ay Ingriiska u dayso.

Guuxii ka dhashay shirka Baariis iyo Dhulkii Soomaaliyeed qabtii Haud & Reserved Area iyo Ogadeniyaba lagu wareejiyey Itoobiya waxa uu horseeday dhaqdhaqii Soomaaliyeed ee Geeska Afrika gilgilay. Ingriis iyo Talyaaniba waxay arkeen xiligii 1956 in aan Soomaali lakala hayn kareyn raadis dawladnimo Soomaaliyeedna uu ahaa fakir xiligiisii la joogo (Idea whose time has come!) (Said Samatar and David Latin, Somalia: A Nation in Search of a State, 1987).

Waxa xusid mudan in la ogaado xiligii labada waaxood ee Soomaaliyeed loo diyaariey Xornimo iyo qabkii ay isku raaceen markii ay ka xoroobeen labadii dal ee rer-Yurub ee kala ahaa Ingriis iyo Talyaani.

Qaybta 3aad waxaan ku soo qaadan doonaa habkii loo midoobay; waxaa isku dayi doonaa in aan ifiyo arinta muranka badan ee ah in laba dal oo kala madax banaa midoobeen iyo in kale. Waxaan qaybta taasi ku xigta ka hadli doonaa sababihii Soomaalialnd u geeyey gooni isu tagga iyo qaaybo kadambeen doona o biyo dhaca arinta ku aadan.

Waa bilaahi Towfiiq (sharegaree).
Lasoco Qaybta 3aad.

COMMENTS
Latest News