ceelsheekhnews.com
Taariikhda Sooyaalka: Wadaniyadii hore iyo Go’taanka Somaliland iyo Biyo-shubkeeda
February 23, 2020 - Written by Guleid Essa

Gogolxaadh.

Qaybtii 1aad
Faysal Cabdi Rooble, Los Angeles

Inta la ogyahay ama taariikhdu sheegaysao, Soomaalidu bii’adan ay dagantahay (Geeska Afrika) aad ayey u ilaashatay, hada kahor.

Dagaalada ay soo galeen ilalinta bii’adooda waxa si fiican loo diwaangaliyey xiligii Axmed Gurey (Qarnigii 16aad). Xiligaas waxaad moodaa in ay midaysnaayeen meelna u wada jeedeen. Awood aan la cabbin karina way ka muuqatay (Fatuh Al-Habash, The Abyssinian Conquest, 2003).

Waxa kaasi ku soo xigay halgankii Daraawishta. Inkasta uu ambaqaaday, hadana ma’ahayn Dhaqdhaqaaqii dhaliyey dal xor ah oo Soomaaliyeed. Waxuuse dhidibada u tagay fakir baahsan oo Soomalinimo ah iyo raadiska Dawlad iyo dal midaysan oo Soomaali ah.

Kadib soo galidii carina Soomaalieed kamabanigii sahanka ahaa ee East Indian Company iyo Shirkii Berlin oo labaduba qaangaadhay 1884, waxa uu dhaliyey ama uu horseeday dhalashadii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta.

Waxa Dhaqdhaqaaqa Daraawiishta la barbar dhigaa amase lagaba hormariyaa kii Ahmed Sakotori ee Gini, Mahdigii Sudan, Enjonjihii Nayheeriya (Boniface Obichere, 1971).

Dhowr dhacdooyin oo tilmaamaya ismaandhaaf Soomaalid ayaa ku duugaan taariikhda, gaar ahaan tan xiligii Daraawiishta; is-maandhaafyadaasi waxay ku aadanaayeey jihada loo mari rabay Soomali-yegleel (state formation) iyo awood qaybsi.

Isafaham-laanta arinkan ah dawlad-yegleel Soomaalinimo waxa uu soo ifbaxay xiliyadii dagaaladii Sayid Maxamed Cabdile Xassan. Waxa uu Sayidku dagaal ba’an lagalay gumaysigii Ingriiska ee dalka Soomaaliyeed qabsaday (dhowr qoraa ayaa mawduuucan aad wax uga qorey: Charles Gasheckter “Anti-colonialism and Class formation: The Eastern Horn of Africa before 1950; Said Samater, 1978; Abdi Sheeikh Abid; 1984).

Soomaalidu gudaheeda laba siyaabo ayaa loo fiiriyo taariikhda Sayid ee xiligaas: kuwa wadaniyiintii isku qabaa waxay u arkaan halgankii Sayidku hogaaminaayey in uu ahaa mid xalaal ah xataa haduu xanaf meelo qaarkood ku lahaa. Kooxda labaad oo diidan fasirkaas waxay u arkaan in uu Sayyid qadiyad reereed waday (Xussein Bulxan Buugiisa la magic baxay Taariikhda Boqolka sano ee tan iyo Qaabiil soo taxnay – ogow Bulxan waa aqooyanhan laakiin aan ahayn taarikhyahan). In kasta aanu taariikhda si xirfad leh u dhigin, hadana dood adag ayuu Bulxan soo bandhigayaa.

Sikastaba hanoqotee, aqoonta bulshadu markay kobocdo fakiro kala duwan oo ku aadan taarikkhda iyo arimaha istimaaciga ah ayaa soo ifbaxa. Qoraalo nakhtiimaya taariikhda halgankii daraawishta waa in loo arkaa waxa afka qalaad loo yaqaan “revisionist history,” ama “dub u nakhtiim taariikhda,” si qaldana yaan loo fasiran. Qoraalka Bulxana waa nakhtiimkaas ama a revision of history! Hadii si fiican loo maareeyo naktiimkana waxa uu horseedi karaa in boga taariikhda la iskawada arko.

Kooxda aaminsan in Siyidku xornimo doon ahaa ayaa ku dooda in jabkiisii 1921 ay sabab u ahaayeen 3,000 oo “askari” uu gumeysigu rifle ku hubeeyey. (Cedric Barnes, 2006). Kuwa aan adeecsanay Siyidka waxay ku dootamaan in askarta ingiriisku hubeeyey ay maatida ka difaacayn Daraawiishta.

Ismaandhaafkaasi waxa uu soo jiitamay illaa 1940hii oo ahaa xiligii dhaqdhaqaaqa xornimadoonka Afrika curtay. Waxaa dhaqdhaqaa Soomaalida yar daahiyey ismaandhaaf qabiildaadka, gaar ahaan kuwii Bariga Afrika dagay oo ummada inteena kale ka yar horeeyey xaga wacyiga siyaasada. Markii ay isfaham-la’aantu gacanta ka baxay waxa soo ifbaxay laba kooxood. Kan ugu magaca dheeraa waxa uu noqday kooxdii labaxday Issaq East African Association. Kuwo kale oo Darood isku magacaabay iyakuna waxay la yimaadeen qadiyad tan hore ka duwan. (Fiirii http/www.wardheernews.com/article_02 feb_02/Egalas letter.pdf). Maqaalkan waxa qoray nin Ingriis ah oo ka hadhay askartii gumeysiga markii dambena hoy ka dhigtay dalka Tanzaniya.

Inta badan qoraalada diwaangashani waxay tilmaamayaan in kooxdan dambe ay xornimo doon u janjeedheen. Hase yeeshee wax qanciya kooxda hore lama iman.

Hase yeeshee wadaniyadii Soomaalinimada ee xoogaysatay ayaa sida dadka u qaaday kooxdii Issaq East African Association la baxday. Gaar ahaan, markii uu kooxdaas iskagabaxay Farax Oomaar waxgaradkii Issaq East African Association ku jiray waxay u guureen dhinaca wadaniyada iyo halgan midaysan. Horumoodna waxa ka noqday Farax. Xiligaas intii ka dambeysay, rer-Waqooyi horumood xoogan ayey ka noqdeen halganka midanyta iyo xoreynta Soomaaliyeed.

Farax Oomaar waxa uu wax ku soo bartay dalka Indiya isla markaasna uu soo kabaday una qushuucay fakirkii Mahatama Gandhi wadday ee ku aadana xornimada dalkiisa. Farax isaga oo weli ka mid ah Issaq East African Association ayuu Burco yimid dhamaadkii Dagaalkii labaad ee Aduunka (WWII).

Fakirka ama Falsafada Gaandhi ka sokow, waxa Farax raad aan lamasixi karin ku yeeshay dhalintii Rer-Waqooyiga ahayd ee ka soo laabtay dhamaadkii Dagaalkii Labaad. Arintaasna wax ka sinaa dhalintii Afrika iyo African-American ee u dagaal gashay guumaystayaashii kala haystay. Iyaka oo soo ilbaxay ayey dalalkoodii dib ugu soo laabtee.

Waxa uu Burco kula kulmay Farax boqolaal dhalin Soomaaliyeed ah oo maskax kobocday oo Soomaalinimo waxkasta ka horeysiinaysa leh. Mudo yar dabadeed Farax waxa uu horumood ka noqday dhaqdhaqqii Geeska Afrika gilgilay ee Soomaliyeed oo soo taxanaha ilaa 1960.

Farax waxa uu horumood ka noqday ka dagaalankii dhulka Soomaaliyeed ee Ingriisku qaybiyeey oo waaki lahaa:

My country and my people are too small to be divide.”
“Dalkaygu ay dadkaygu waa wax yar oon lakala qaybi karin.”

Farax waxa ku daba faylay kumanaan dhalinyaradii rer-Waqooyiga ahayd. Waxa dadkas ugu caansanaa Sheikh Bashiir, Michael Mariam, Salool, Balaayo-cas oo markii dambe loo baxshay “Barkhad-cas” iyo inkale oo badaan. Xiligaas marka laga soo bilaabo, rer-Waqooyi, gaar ahaan beesha Issaq, horumood ayey ka ahaayeen xornimo doonkii iyo isu keenida ummada Soomaaliyeed (I. M. Lewis, Blood and Bone, 1994).

Lasoco qaybta 2aad

COMMENTS
Latest News