ceelsheekhnews.com
Midowgii Somaaliida iyo Qaabkay u midoobeen. Faysal Cabdi Rooble, Los Angeles Qaybtii 3aad
February 27, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Ma Dhabaa in Rer-Waqooyi in ay Wadanoyiin Dhab ahaayeen? Markaad maqaalka akhridif ayaa garad doontaa.

Qaybtii Ingriisku guumaysanayey waxay xorowday June 26, 196, halka Koonfurtu Iyana xorowday July 1, 1960. Labada waaxood waxay midoobeen July 1, 1960. Hadaba midowga ka hor Somaliland ma “dal gaar ah bay ahayd? Ma wadano aqoonsaday ayaa jiray? Xaaladaha ay ku middobeenise noocay ahaayeen?

Runtii waa su’aalo masiiri ah inta badana aanay Soomali isku waafaqsanay. Meelo qaarkood hadaad ka eegto arimahani waa iska academic ama arimo daraasadeed. Dhinac kalena waxay noqonkaraa furaha xalinta arinta Morgan ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Bal waxaan isku dayidoonaa in aan si waaqici ah u ifiyo arimahan anigoo uga dan leh in runta la ogaado si wada hadalad labada dhinac ee ragaaday dhaqdhaqaaq iyo natiijo micna leh u yeehsaan.

Qaybha dambe ee soo socda waxaan soo qaadi doonaa kacdoonkii SNM iyo saluugii midowga, mabaadidii midnimada ahayd ee gadaal gooni isutaaga isku badashay, iyo shurrcda aduunka ee ku wajahan gooni isutaaga guudahaan iyo tan Soomaaliland, gaar ahaan. Waxaan taxanahan ku soo gabo gabayn doonaa, hadii Allah Idmo, nidaamyada looga wada hadlo arimahan oo kale iyo jaranjarooyinka loo mari karo.

Sidaan horey u dulmarnay, dabayaaqadii 1940hii iyo 1950hii waxa aad u xogaystay dhaqdhaqaaqii wadaniyeed ee Soomaalida. Farax Oomaar marku qaatay caqiidadii wadaniyeed ayaa xoogagii pan-Somali watay dardar dheeraa keeneen dhinaca Waqooyiga.

Marka laga soo bilaabo 1948, Koofurtu iyada wax laga dhisay nidaam ismaamul daakhili ku dhow oo Qaramada midoobay korka ka ilaalisl. Waxa uu bilaabmay 1948 in uu 1958 damaadona wa loogu talagalay.

Dhinaca waqooyiga, wax daakhili ah ama disme demand tiran xag waxbarasho oo loo diyaarin ma jirin. Sida deegaanada kale ee uu guumaysan jiray kabayaal dhaqaale iyo maamul ka ma hirgalin.

Hase ahaatee markuu arkay sida Talyani iyo Qaramada Midoobay wax dawlad bilow ah uga hirgalinayaan dhinaca Koonfurta ayuu mar dambe soo baraarugay.

Marka laga soo bilaabo 1956, Ingriis waxa uu ogolaaday in uu dhiso local kownsils. Markii lagaadhay 1958, tiradii Konsilada ayaa la kordhiyey, kadib marki Ingriisku arkay Ifafaalaha xornimo taam ahi in Konfiri helayso. SNL iyo NUF si kama dambeys ah ayey Ingriiska ugu sheegaan in aan xornimada la saadaalinayo ee la siinoyo walaalahooda Koonfur aan laga reebbin.

Isla xiliyaddan waxa warar caalamka ku badnaa hadal hadaynta Cabdilaahi Ciise oo qudbado muuhiim ah ka jeedin jiray fagaarayaasha aduunka si uu kor ugu qaado qadiyada Soomaaliyeed.

Markii 1960hii logusoo dhowaaday, waxa arinta Soomaalidu mar labaad xiiso gaar ah u yeelatay stratejida aduunka (world geopolitics) markii ay arinta biyo marinka suwayska (Suez Canal) la isku qabsaday. Waxa rergalbeedku ka baqeen hadii masar guulaysato in Soomaaliya iyo Sudaniba raacidoonaan dhinaca Masar, markaasna at cidhiidhi galin doonaan danaha Rer-galbeedka iyo Isreal. Tuhunkaasi waxa uu keenay in arimihii Soomaaliya dawlado badani faraha la soo galaan. Waxaase la cabin kariwaayey wadaniyaadii ummadda Soomaaliyeed.

Bilowgii 1959, markuu Ingriisku garwaaqsaday in Koofuri xorobayso ayuu dhago u yeeshay dhawaaqii wadaniyiinta rer-waqooyiga ee lahaa inaaba lanaga ma reebi karo walaalahayaga Koonfur oo sanad gudohood ku xoroobaya.

Dhambaal uu qoray February 1959 Xooghayihii Arimaha Gumaysiga ee dalka Ingriiska, Mr. Alan Lennox-Boyd, ayaa aakhirto garowsaday in dawladiisu aanay ka reebi karayn rer-Somaliland walaalahooda loo balan qaaday in ay xornimo helayaan 1960. Fariimo badan uu ka heley Xooghayuhu madaxdii xisbiyada SNL NUF, waxay si xoog leh u codsadeen in aan “walaalahooda Koonfureed laga reebin.”

Mr. Alan Lennox-Boyd waxa uu dardar galiyey u diyaargarowga xornimo siinta gobolada Woqooyi. Waana la soo dadajiyey waxaana lala beegsaday xiligii Koonfur loo cayimay xornimada. In walaalahood islamar xornimada la siiyo ayaa laga fursan waayey.

Jadwalka Midowga Soomaalida (Timeline)

1. February 1959, Mr. Alan Lennox-Boyd ayaa si rasmi ah qoraal ugu ogalaaday in aan xornimada labada gobol lakala reebin.

2. February 1960, Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ayaa Somaliland u dooratay Premier. Isla markiiba waxa uu qabanqaabiyey sidii wafdi ahaan Muqdisho loo tagi lahaa. Intaanay wafdiga rer-Waqooyigu ambabixin, iyo in ka horesaybay, waxa Boqortooyada Ingiriis isku dayday in ay waaniyaan madaxda rer-Waqooyiga oo xataa ay Boqortooyadu ku talisay in ay midnimo heshiis ku qotonta ay Koonfurta la galaan. Arintaaisna hal bacaad lagu lisay ayey noqotay.

3. April 15-22, 1960. Wafti afar Wasiir ka kooban (Cigaal, Cali Garad Jaamaca, Axmed Xaji Duacale, iyo Xaji Ibrahim Nur) ayaa ka dagay Muqdisho oo ka qaybgalya shirweynihii u gogolxaadhka midaynta labada waaxood. Shrika waxa la horkeenay draft ama qoraal qabyo ah ay rer-waqooyigu soo diyaariyeen badkana la soo dhigay (they brought a drafted act of union) (fiirso Paolo Contini, The Somali Republic: An Experiment in Legal Integration, 1969 ayaa sidan warinaya (Waxabkale ood fiirsataa Faysal Roble, Horn of Africa Journal, 2007).

Waakan qabyo Qqoraalkii rer-waqooyigu diyaariyeen:

“Section 1(a) stated that “the State of Somaliland and the State of Somalia do hereby unite and shall forever remain united in a new independent, democratic…Republic the name whereof shall be the SOMALI REPUBLIC.”
Ama:
‘Waxa halkan ku midoobay Somaliland iyo Somalia oo waligoodna mid ku ahaan doonaa dawalda xorta ah ee cusub oo damaqraadiyad iyo republic ah loona aqoonsandoono SOOMAALI RIBABLIK.”

Contini waa shaqsiga ugu waegal iyo hubaal roon marka laga hadlayo Act of Union.

Qoraaga Soomaaliyeed, sida Cabdi Ismaaciil Samatar oo kale, waxay ku dootamaan in wafdiga Woqooyi ka yimid ay dalbadeen midow aan mugdi lahayn (“they demanded complete integration,” sidaas waxa qoray Cabdi Ismaciil Samatar).

Sikastaba ha ahaatee, madaxdii rer-waqooyigu waxaxy dawladii Ingriiska ka diidaan waanadii ahayd “xataa hadaad walaalihiin la midoobeysaan, shuruudo ku xidha, dawlada Boqortooyaduna diyaar ayey u tahay in ay idinka caawiso dhinaca sharciga iyo xirfadyaqaaniin.”

Haseyeeshee, rer-waqooyi madaxdoodii xiligaas waanadaas dhag u may dhigin.

4. June 4, 1960 dawladii Soomaaliland oo dhamaystiran ayaa dagay Muqdisho. Sida Ismaciil Geeldoon oo xiligaa madax sare ahaa, Buugna ka qoray Soomaaliya, ayaa qoray in habeenimadii June 26, 1960 kulan dheer uu dhexmaray waftigiii Cigaal iyo Adan Cabdulle Cusman uu weheliyo Mohamed Sheikh Gabyow oo ahaa wisiirka Constitutionka xiligaas.

5. June 28, 1960 soo noqoshadiisii ayuu Cigaal shiriyay Golihii konsilka waxaanay isku raaceen in ay saxeexaan midowga Soomaaliya shuruud lahayn! Waa arintuu Ingriisku ka baqayey. Waa halka at ka timid heesta tidhaahda: “Haye fudud Habeenkaan lahaabay Hubsiimadu Haboonayd.”

6. June 30, 1960, dawladii iyo maamulkii woqoiyo oo dhan ayaa soo duulay oo Moqdisho yimid.

7. July 1 waxa xoroobay qaybtii gacanta UN ku hoosay (Koonfur) oo isla habeenkaas bilaa shuruud kula midoobay waaxdii Somaliland.

January 31, 1961: waxa la xaqiijiyey oo la turxaan bixiyey axdigii midnimada. Fiiri noqolja hoose ku lifaaqan

Suaashu waxay tahay (1) Soomaaliand ma dawlad madax banaan oo aqoonsi lahaye iyada oo ah ayey ku biirtay Koonfur. Ma dalal aqoonsi siiyey ayaa jiray?

Arimahaas iyo kuwo la halmaalaaba waa qaybta 4aad.

COMMENTS
Latest News