ceelsheekhnews.com
Somaliland: Ma iyada oo dal ah ayey ku biirtay Soomaaliya? Qaybtii 4aad Faysal Cabdi Rooble
February 27, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Waa su’aal runtii muhiim ah. Waxa iyana aad muhiim u ah jawaabta laga bixiyo Su’aasha, inkasta aanay wax badan ka abdalahaynin arimaha murgan ee Somaliland iyo Dawlada Soomaaliya u dhaxeeya – waa gooni isutaag Soomaaliland ku dhawaaqday 1991. Gadaal ayaan ku sharixi doonaa maqaamka dawli iyo stauska ay Somaliland lahay xiligii ay ka xerowday gumaysigii Ingriiska.

Balse dib u mililicsi gaaban aan ku sameeyo laba qodob oo muhiim ah.

1. Sanadihii u dhaxeeyey1956 iyo June 1960, waxa isasoo taray maamulkii Somaliland. Bishii December, 1958 waxa la kordhiyey tiradii golaha Barlamank oo 15 xubnood ahaa ayaa 13 lagu buriyey.

October, 1959 waxa shir-beleed Lasacaanoof ku qabsaday beelaha Bariga iyo Galbeeka, oo shirgudoomiya u ahaa Suldan Maxamoud Cali Shire. Mar haday curatay USP, waxay labahoobeen SNL, taasoo horseeday in la wiiqiyo NUF.

Premier ama Rasal Wasaare ayaa kownsilku Somaliland doortay 1959. Maxamed Xaji Ibrahim Egal ayaa bishii May 1959 loo doortay R/Wasare. Waxase Jagadaasi jirtay Afar (4) maalmood oo kaliye. Macadda sababahi Dawladii Ingriisku ugala noqotay Cigal jagaas. Haseyeeshee waxa lamagacaabay afar (4) wasiir ama ministerial portfolio oo kala ah sidan:

1. M. X I. Cigaal – wasiirka Dawlada hoose
2. Cali Garad Jamac – Wasiirka Isgaadhsiinta
3. Axmed Haji Duale – Wasiirka khayraadka.
4. Xaji Ibrahim Nuur – Wasiirka arimaha istimaaciga ama social services.

Waxa la odhankaraa xisbigii United Somali Party (USP) oy yagleeleen beeliihi tabay in laga qadiyey dawladii kooban ee curdinka ahay in ay laba arimood sababeen:

1. Naacawdii dawladnimada oo la dareemay xili waxqaybsina la gaadhay.

2. In USP ay taageero siyaasadeed siiyaan SNL oo horumood ka ahaayd wadaniyada iyo midaynta Soomaaliyeed.

Xiligaas marka laga soo bilaabo ilaa maanta oo Soomaaliya burburtay, USP waxay ku fantaa in ay tahay xoog midnimada Soomaaliya u taagan. Dhibtuse waxay tahay xoogaasi waxa uu ku baahsanyahay Hargsysa, Puntland, iyo Muqdisho – xoog central gravity leh weli uma muuqdo.

Sikastaba ha ahaatee, xisbiyadandi way iska baab’een ama way daciifeen xornimadii iyo isu tagi British “Somaliland” iyo “Soomaalia” dabadeed.

Hadaba isu taggii labada waxood ma waxaan odhan karnaa waxa uu ahaa mid laba dal mise laba Gobol? Ma laba dawladeed oo ictiraaf haystay ayaa isu tagay?

Laba fakir ayaa ku weegaaran arintan: mid leh haa oo laba dawladood ayaa midoobay; iyo tan ka soo horjeeda oo leh dal lakala qaybiyey ayaa shuruud la’aab isugu soo noqday markii gumeystayaashii rer-Yurub baxeen.

Arinta ugu culus ayaa ah in Soomaaliland ku soo biirtay Soomaaliya iyadoo 34, 35, 40 dal in ka badani aqoonsadeen. Kooxda kale arintaasi gashanaa ayey si dagdag ah ugu dhuftaan. Ogow waxa dooddan ku hoos qarsoon fakirka isna odhanaya hadii Soomaaliland la midowday Soomaaliaya iyada oo siddata aqoonsiyo dalal Qaramda Midoobay ku jira, waxay dawo ka noqon soo celinta iyo ictiraaf ay heli doonto Soomaaliland.

Horta theorogaasi ama hindisahan sidaas odhanaya waa waxba kama jiraan. Ictiraafku innaba kuma xidhna inaad aqoonsi dawlada hore lahayd iyo inkale. Waa sheeko baraley Soomaalidu iska dhaadhicisay si joogta ahna uga doodaan in citiraafka Soomaaliland ku xidhanyahay maqaamkii ay lahayd markii ay la midowday qaybta Koonfur.

Gadaal ayaan ka sheegi doonaa rukunada loo maro marka aqoonsi la raadinayo. Hadeer waxaan ku soo koobayaa in AQOONSIGA Soomaaliland aanu innaba ku xidhnay maqaamkii ay lahayd xiligii ay xorowday. Ictiraaf iyo ictiraaf la’aan waxaba saamayn kuma laha biyo-dhaca arinta Soomaaliland.

Soomaaliland xornimadeedii ma ictiraaf ayey uheshay 1960? Ma dalal la yaqaan ayaa ictiraafay? Arinkaas wax documenti ah oo yaal archiiviyada Qaramada Midoobay ama laga helayo dawladiihii ictiraafka siiyey ilaa hada wax cad mahayno.

Sideedbana citiraafka dal xoriyadiisa qaatay la siiyaa laba waji ayuu leeyahay.

(1) waa icitiraafka dal madax bananan oo Qaramada Midoobay xubin ah u fiidiyo dalka cusub (Bilateral recognition). Waxa arinkaas lagu muujiyaa dhambhal loo soo diro cida la aqoonsanayo iyo nuqul la siiyo Qaramada midoobay. Arintanaana muhiim ah.

(2) Jaranjaro labs ah oo ku aada Qaramada Midoobay ayaa ku xiga. Dhambaalka aqoonsiga ayaa nuqul la siiyaa Qarama Midoobay.

Dabadeed waxa la horgeeyaa inta agendaha lagu daro Golaha Amiga (Security Council) oo Afar jaranjaro intuu maro dalkaa la aqoonsaday ku biiriya laiska xubnaha Qaramada Midoobay. Go’aan markay ka gaadhaan ee liiska lagu daro ayaa loo iclaamiyaa kursi iyo qaadhaanka dalka cusubi bixindoono.

Waxaan dib u raacay dalalkii xeroobay ee hadana icitiraafka helay ee Afrika. Waxaan dib u eegay dalalkii lago soo biriyey Qarama Midoobay ilaa 1956 (fiiri lifaaqa hoos ku jira).

Waxa kale oon telephone u diray safaarada Ingriiska, Itoobiya, Maser, Iyo Ghana bal in ay wax dhambaal oo ku aadan ictiraaf Soomaliland ay ka warqabaan. Xaga Qaramada Midoobay iyo Safaaradahaba hal jawaab ayaan ka helay: wax dhambaal ah mahayana.

Hase yeeshee waxa jir oon gadaal kaso galin doonaa dhambaalkii dawlada Ingrisku ku hambalysay dadka Soomaaliland in ay istiqlaal qaateen oy ka madax banaanadeen gumaysiga.

Ingriiska dhambaalkiisu ma dhihin dawlad ahaan ayaan idiin ictiraafnay. Haday odhan lahaayeen maanta iyagaa loo tagi kari lahaa.

Waxase kayaabiyey Ingriiska in Soomaaliand ay midowga ama unionka gasho shuruud la’aan.

Arintaasi wey ka hoos baxday madaxdii xiligaas sababaha loo aanaynayo waa labo: (1) Siyaasiyiin Xamar u kala baratamaayey.

(2) Waxa kale oo la odhan karaa xumada wadaniyeed oo aad u sareysay ayaa sababay in madaxdii Soomaaliland shuruud la’aan la midoobaan konfurta.

Waxaay hadaba su’aashu tahay, xataa adigoon lagu ictiraafay 60 sano ka hor, dal ma lakala goyn karaa? Somaliland ma ka goosan kartaa Soomaaliya?

Aduunkuse sidee ayuu u mareeyaa arimhanoo kale? Anigu waxaan qabaa in labada siyaaboodba (goosasho meel marta iyo tu aan meel marin) surta gal yihiin.

COMMENTS
Latest News