ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Beeniyay Fariin Been Abuura Oo Lagu Baahiyay Baraha Bulshada
May 9, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada mudane Farxaan Aadan Haybe Ayaa Ka Jawaabay Fariin Ama Message been Abuura Oo dhex socotay Baraha bulshada Guddomiyaha Oo qoraal ka Soo saaray Arimahaasi Waxa Uu Yidhi

Waxaan arkayay fariin tilifoon oo la wareejinayo iyadoo la leeyahay waa hayadii shaqaalaha dawlada. Hayada shaqaaluhu fariin SMS ma isticmaasho sinaba iyo goornaba kamana mid aha dariiqyadeeda xidhiidhka iyo xogwadaaga ee rasmiga ah (Official commanication channels) haday la xidhiidho arin dacwad shaqaale waxay samaysaa yeedhmo, xog baadhis, waraysi, dacwad dhegaysi iyo go’aanka oo hab-qoraal ah ayay soo saartaa iyadoo raacaysa qodobada xeerka Anshaxa iyo sharciga guud ee Shaqaalaha lana wadaagtaa wasaarada qofkaasi ka tirsanaa iyo wasaaradaha/ Hayadaha fulinta go’aanka kaalin masuuliyadeed ku leh.
Ramadaan kariim
Farxaan Aadan Haybe

COMMENTS
Latest News