ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada mudane Farxan Aadan Haybe Oo Mar kale Ka Hadlay Warar Been Abuura Oo Baraha Bulshada Dhex Wareegaya
May 10, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News): Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Mudane Farxan Aadan Haybe ayaa mar kale ka hadlay wararka been abuurka ah Ee dhex wareegaya baraha bulshada Guddomiyuhu isaga oo Arimaha Ka Hadlaya Wuxu Yidhi

Acww
Run ahaan dulqaad badan ayaan u leenahay dareenkasta oo togan/taban oo ka soo noqda go’aamada aanu qaadanayno ka guddi hayad ahaan, balse waxa muhiim ah xaqiijinta go’aan kasta oo aanu gaadhnaa uu yahay mid ku qotoma sharciyada, xaqiiqo baadhiseed, xog ururin iyo marag muujin la taabsiin karo cid kasta oo u baahan inay ogaato. Laakiin nasiib daro, waxa imika inaga xoog badatay caadifada, xukun mala- awaal iyo faalo gole-ka-fuul ah oo mareegaha bulshada la wareejiyo ( Facebook and social media) taasina waxba kama badalayso go’aan sharci ee waxii cabasho ah ee qof shaqaale ahi tirsado waxa jira dariiq sharci oo loo maro oo qofku u raaci karo hadii uu sidaas rabo oo u arko in lagu qaldamay. Laakiin isagoo qofka shaqaalaha ahi og in aan lagu qaldamin ee isagu sharciga ku xafgudbay, waa gartii inuu dareen kale adeegsado.
Qofkasta oo shaqaale ah sharcigu xuquuq ayuu siiyay isagana si la mida taas sharcigu waxa uu ku waajibayay ilaalinta xaqa shaqada oo qoran, Hadii inta uu qofku xaduudkii shaqaalanimo ka talaabo oo waxii ka reebanaa dhex galo, hadana doodiisu noqoto in xaquuqdiisa shaqaalanimo la ilaaliyo tusaale; qof shaqaale ah ayaa tv soo fadhiistay aflagaadooday, xisbi siyaasiya inuu gobol uga madax yahay sheegtay oo siyaasad ka hadlay si public ah ama arrimo aanu sharcigu u ogolayn markii loo yeedhay ee la waraystay si cad u qirtay gefkii sharci, hadana iyadoo loo tudhayo la yidhi raali gelin bixi si xukunka gefkaas ka dhalanaya loo khafiifiyo si heer digniineed loogu simo balse taas si cad u diido isagoo leh ma bixin karo raali gelin, hadana doonaya in uu shaqaale dawladeed sii ahaado ma waxaynu qaadan karaa inaan tiisa u raacno oo sharciga yaala indhaha ka qarsano taas cid aqbali kartaana ma jirto, waana waajib na saaran in sharcigu shaqeeyo in badan oo horena waan ka hadalay oo ka dardaaranay.
Hadaba su’aasha muhiimka ahi waxa weeye; maxay Shaqaalaha u shaqeeya hayadaha internationalka ah, private banks, shirkadaha isgaadhsiinta, shirkadaha ganacsi iyo hayadaha kale ee madaxa banaani intay soo fadhiistaan Warbaahinta TVyada loogu arki waayay iyo boggaga social media iyagoo cid aflagaadaynaya ama siyaasad aan shaqadooda ahayn ka hadlaya? Haa waynu garan karaa sababta; waxa jira sharci u diidaya oo anshaxmarin ku mutaysanayo ama shaqadiisa uu ku waayayo hadba inta gefka uu sameeyay leeg yahay. Dabcan, sharcigaas oo kale iyo siyaasado ka farcama ayuunbaa hayada Shaqaalahana yaala, waana nagu waajib in sharcigu shaqeeyo anagoo amaanayna shaqaalaha intiisa ugu badan oo run ahaan ku dhaqma sharciga muujiyana aqoon iyo inay xor ka yihiin caadifad iyo siyaasad lagu mashquulo.
Ramadaan Mubaarak

COMMENTS
Latest News