ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Ka Qeyb Galay kalfadhigii 4aad Ee Ay Yeeshaan Guddida Machadka shaqaalaha Dawlada Iyo Dawladaha Hoose CSI/LGI Oo Ka Qabsoomay Magalada Borama
August 5, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) :

Waxa maanta kalfadhigii 4aad ee ay yeeshaan Guddida Machadka shaqaalaha Dawlada Iyo Dawladaha hoose CSI/LGI oo Ku qabsoomay Hotel Rays Borama noogu soo dhamaaday Guul.
Kulankan oo aan Gudoominayay kana qaybgaleen Mayorka Borama, mayorka caasimada hargeysa, mayorka Berbera, mayorka Laascaanood, mayorka saylac, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyada iyo Waxbarashada iyo Agaasimaha Machadka CSI/LGI, Ku Xigeenka Agaasimaha Machadka Dawladaha hoose iyo Agaasimaha Ururka Dawladaha hoose. furintaankii kulanka waxa kelmad soo dhowayn ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
Iyadoo la raacayo agendaha shirka waxa warbixin 6dii bilood ee tegay sanadka 2020 kaga dhagaysanay masuuliyiinta Machadka, saamaynta coronovirus ka iyo iyadoo la isla gorfeeyay qodobo kale oo muhiim u ah sii socodsiinta hawlaha Machadka Dawladaha hoose (LGI) iyo dardar gelinta hawlaha loo aasaasay oo ay ugu mudnayd sidii shaqaalaha Dawladaha hoose u heli lahaayeen tababarada ay u baahan yihiin oo joogto ah sanadka 2021.

COMMENTS
Latest News