ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Xisbiga Ucid Oo Abaalmarin Gudoonsiiyay Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha
August 20, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Sharaf ayay ii ahayd in Gudoomiyaha xisbiga UCID Engineer Faysal Cali Waraabe igu soo booqdo xafiiskayga isagoo iiga mahad celinaya dadaalka Hayada Shaqaalaha ee aan gadhwadeenka ka ahay. Waan ka gudoomay abaalmarinta xisbiga waxaase hubaal ah in dadaalka shaqo ee waajibka nagu ah in aanu hore u sii wadno. Xubnaha komishanka iyo teamka Maamulka ee Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiinta kale ee Hayada shaqaaluhu yihiin kuwa guul kasta oo aanu gaadhno sabab u ah la’aanteedna aanay suurta gasheen inaanu waajibkayaga masuuliyadeed ka soo baxno. Sharaf oo dhan Waxa leh jaalayaashayda aan shaqada qaranka odayga ugu ahay ee bahda Hayada Shaqaalaha Dawlada JSL.

COMMENTS
Latest News