ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada mudane Farxan Aadan Ayaa Ka Qeyb Galay Xaflad Loo Qabtay xubanaha machadka Shaqaalaha Dawlada Ee Dhamaystay Tababarka Tababarayaasha (Tot training on English proficiency
August 24, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News)

Sharaf wayn ayay maanta ii ahayd inaan ka qayb galo kulanka habka fogaal araga ( Virtual meeting) xubanaha machadka shaqaalaha dawlada ee dhamaystay tababarka tababarayaasha (Tot training on English proficiency ) ee luqada ingiriisida si ay machadka shaqaalaha dawlada uga dhigaan luqada ingiriisada taas oo looga jeedo in shaqaalaha dawladu ay si kalsooni leh looga tayeeyo luqada si xidhiidh ula samayn karaan maalgashadayaasha, dalxiisayaasha, hayadaha caalamiga ah ugana qayb qaadan karaan qadiyada aqoonsiga soomaaliland ee beesha caalamka.
Waxaan rajaynayaa in koorasyada luqada ingiriisida ee machadku bixinayo ay noqon doonaan qaar joogto ah oo ka turjumaya baahida Shaqaalaha dawlada iyadoo lagu soo dari doono barashada luqadaha kale ee carabida, faransiiska hadba sida loo arko ahmiyada ay u leeyihiin shaqaalaha insha allah.
Ugu danbayn, waxaan u mahad celinayaa machadka GIMPA, GHANA iyo ACH UK oo hawshan tababarku qayb ka tahay heshiiska aanu wada galay ee dibu habaynta iyo casriyaynta nidaamka Machadka shaqaalaha dawlada.

COMMENTS
Latest News