ceelsheekhnews.com
Haya’dda Shaqalaha Dawlada Ayaa Gobolka SAAXIL ka bilawday Diiwaan-galinta Xubnaha Shaqo Qaran iyo Hubinta Shaqaalaha Dawladda ee Hore Loo Diiwaangaliyay.
August 29, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News)

Berbera:(Ceelsheekh-News )- Wafdi ka socda Xarunta Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,ayaa waxay gobolkii Saddexaad ka fuliyeen Diiwaan-galinta Shaqo qaran iyo Hubinta Shaqaalaha rasmiga ah ee Dawladda,iyaga dhicana kalena kullan la qaatay Isu-duwayaasha Laamaha Dawladda ee Gobolka Saaxil.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,Xamse Suldaan Addan,ayaa ka war-bixiyay Hawlaha shaqo ee ay u socdaan.

Kullanka dhex-maray Ius-duwayaasha Gobolka Iyo Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa layskula jeex-jeexay muhiimadda wada-shaqayneed ee Laamaha Dawladda Gobolka iyo kor-u-qaadista adeegyadda Bulshadda ee au xafiisyaddaasi hayaan.

Isu-duwayaasha,ayaa waxay halkaas ku soo bandhigeen qaabka ay u fuliyaan shaqooyinka ay masuul ka yihiin iyo baahiyaha ay tabayaan in laga taageero.

Masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha ayaa waxay sheegeen in waxii baahiyaha ee ay qabaan Isu-duwayaashu ay ay la wadaagi doonaan Madaxda ay khusayo,waxii Hay’ad ahaan kaga aaddana ay kula noqon doonaan Madaxda sare ee Hay’adda.

Xigasho: Xafiiska
(@CSC Media.)

COMMENTS
Latest News