ceelsheekhnews.com
Guddomiyaha Haya’dda Shaqalaha Dawlada iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Jsl Oo Kulan Wada Tashiya Ka Yeeshay Xeerka Hawl-Gabka Shaqalaha Qaranka
August 31, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Waa talaabo kale oo horumar wayn in maanta aanu kulan wada tashi ka yeelanay xeerka hawlgabka Qaranka iyo siyaasada hawlgabka oo aasaas u ah hirgelinta barnaamijka hawlgabka shaqaalaha Dawlada oo ku talogalku yahay in sanadka 2021 si rasmiya u bilaambayo Insha Allah. Waxaan u mahad celinayaa Wasiirada wasaaradaha Shaqogelinta, Qorshaynta, Maaliyada, Cadaalada iyo Diinta & Awqaafta, Garyaqaanka guud ee qaranka, garsoorayaal sare oo ka socday Maxkamada sarre, Xubnaha Culimada waaywayn ee ay horkacayeen Sh mohamed ali gadhle, Dr khadar, garyaqaanada ka socday Ururka qareenada JSL iyo dhamaan dadkii ka soo qayb galay kulankaas dibu eegista iyo ka tashiga xeerka iyo siyaasada hawlgabku si loo xaqiijiyo waafaqsanaanteeda shareecada islaamka gaar ahaan qofka hawlgab Ku jira ee dhinta Waxa laga yeelayo. Qodobkaas oo si fiican la isula qaatay habka uu uga muuqanayo xeerka hawlgabka iyo siyaasada hawlgabka Shaqaalaha Dawlada JSL.

COMMENTS
Latest News