ceelsheekhnews.com
Haya’dda Shaqalaha Dawlada Oo Diwaan Galinta Ka Bilowday Gobalka Sool
September 6, 2020 - Written by Guleid Essa

(Ceelsheekh-News) Waxa farxad wayn iyo guul ah masuuliyiinta Hayada Shaqaalaha Dawlada ee uu horkacayay Agaasimaha Guud iyo xubnaha masuuliyiinta kala socda Hayada Maamul Wanaaga iyo Xubnaha wasaarada qorshaynta ay imika wadaan hawsha Qiimaynta, Baadhista iyo hubinta 25% shaqaalaha Dawlada ee wasaarad iyo hayad kasta Gobolka Sanaag, diiwaangelinta dafcadii hore ee shaqo qaran iyo hubinta iyo diiwaangelinta liisaska shaqaalaha kumeelgaadhka ah ee Wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada ee Gobolka Sanaag. Shaqo kastaa waa dadaal, xil iska saar iyo u adkaysi ilaa guul dhamaystiran laga gaadho, waad dadaasheen oo guul ku soo dhamayn doontaan hawshaas qaran ee culayskeeda lahay – Allah garabkiina ha galo CSC Team in Erigavo, Sanaag.

COMMENTS
Latest News